y
Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
yaa
Kuma ayaa?, tuma ayaa?
yaa4
qr. Yaan: markii qurubka diidmada 'aan 2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
yaab
Amakaag; irkig; abyan; fajac.
yaabbanaansho
/dh ld yaabsanaan.
yaabi
Ka y.: cid yaab ku abuurid.
yaabid
ld yaabis².
yaabin
ld yaabis¹.
yaabsan
Wax yaab hayo ahaansho (qof). ld yaabban.
yaabsanaan
ld yaab-banaan, yaabbanaansho, yaabsanaansho.
yaabsanaansho
/dh ld yaabsanaan.
yaac
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
yaaci
Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.
yaacin
ld yaacis.
yaacsan
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.
yaacsanaan
ld yaacsanaan-sho.
yaacsanaansho
/dh ld yaacsanaan.
yaadaddo
Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo.
yaahuu
Erey laga horgeeyo qof habaar-tamay. Tus. “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
yaallin
Oollin.
yaanbo
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.
yaanyo
Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
yaanyuur
Mukulaal, dummad.
yaaq
Geed dheer oo aad iyo aad u sal iyo jirrid iyo dhex weyn: mayraxdiisa waxaa laga sameeyaa xargo iyo waxyaalo kale; mirihiisu waxay leeyihiin qaabka qulucda, buruq la cunana waa leeyihiin.
yaaqil
Shilin yar oo markaa ugaxnimadii ka soo baxday.
yaaquud
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
yaar
(2).
yaardi
Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 m.
yaare
1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
yaasiinmaddoone
Mar-soobax.
yaaw
Leber laba loo dhigay middood.
yabaal
Magoolid (geed).
yabaalid
ld yabaal¹ (2).
yabadhaalo
Carruurta ay dhasho hawee-ney minyaro ah.
yabaq
Hadal iyo dhawaaq dad meel du- rugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq.
yabar
Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
yabaree
Ka y.: cidmingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tu-mid).
yabaro
Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqib-buraale).
yablas
Qaylo badan samayn.
yabooh
1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yabooh-sadaan la siiyo. 2. ld yaboohid.
yaboohi
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
yaboohid
ld yabooh¹ (2).
yaboohin
ld yaboohis.
yaboohsasho
ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohso
Qof cayr ah cid baryid.
yabqid
ld jabqid.
yac
Ka joog! Daa!
yacay
Guri yacay dhigid.
yacayan
Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacaynaan
ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho
/dh ld yacaynaan.
yacni
fk. Waxaa loola jeedaa.
yacyacood
1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad
1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹.
yadan
/dh (-mo/-nno, m.dh) Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
yagcar
Geedka mayddiga dhalo.
yagleel
1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid.
yagleelid
ld yagleel¹.
yah
Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
yahaabur
Y. ah: qof lixaad weyn.
yahaaburnimo
Yahaabur ahaansho.
yahan
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
yake
1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
yakee
Cid ganaax weyn saarid.
yakeysan
Qof yakoobay ahaansho.
yakeysanaan
ld yakeysa-naansho.
yakeysanaansho
/dh ld yakeysanaan.
yakow
Qof xujoobid.
yal
Dabayl qabow oo roobku keeno.
yalaalug
Lallabo. ld yalaalugo.
yalaalugoo
Qof yalaalugo dareemid.
yalaalugsan
Qof yalaalugo hayso ahaansho.
yalaalugsanaan
ld yalaalugsanaansho.
yalaalugsanaansho
/dh ld yalaalugsanaan.yawyab¹
yalanyalxo
Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.
yalanyalxoo
Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
yalax
Y. ah: timo aad u jilicsan. ld ya-leex (2).
yaleex
1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda.2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.

