yeero
U y.: cid wacasho.
yeerso
Arday quraan qoranaaya aayadda uu marayo macallinka u sheegid si midda ku xigta loogu sheego.
yerid
1. ld yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
yeris
1. Ugaarta inteeda yaryar. 2. Caws-ka jaad ka mid ah.
yersin
Ugaarsadaha soo qumiya dagiiranka.
yey
Bahal dugaagga ka mid ah oo eeyga u eg, arigana aad u laysa; uubato; uu'leey. ld yeey.
yib
cayaarid.
yibal
Darxumo ka muuqata xoolo caato ah marka ay biyo cabbaan ee ay baad waayaan.
yibir
Haweenay aad u hunguri xun.
yibirnimo
Yibir ahaansho.
yiblo
Wax yibal hayo noqosho.
yicib
Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.
yicibciye
Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
yiciis
Dad tabartoodu liidato saboolna ah.
yicis
1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
yicisnimo
Wax yicis ah ahaansho (carruur).
yididdiilo
Rajo; himilo. ld hididdiilo.
yir
Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.
yirid
Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).
yix
Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.
yohoon
Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.
yohoonsan
Wax yohoomay ahaansho.
yohoonsanaan
ld yohonsanaansho.
yohoonsanaansho
/dh ld yohoonsanaan.
yoobsan
Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
yoobsanaan
ld yoobsa-naansho.
yoobsanaansho
/dh ld yoobsanaan.
yoobso
Dad ama xoolo meel tuurasho.
yooco
Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
yoofil
Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.
yookaysan
1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
yookaysnaan
ld yoo-kaysnaansho.
yookaysnaansho
/dh ld yookaysnaan.
yookee
1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
yooko
Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
yool
1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal,m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
yoolaal
Si macno la'aan ah meel u istaagid.
yoolgaarid
ld yoolgaar¹.
yoolyool
Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato no-qosho.
yoolyoolid
ld yoolyool¹ (2).
yoome
Jaad ka mid ah Durban-nada.
yoomid
ld yulqamid.
yoon
Hugun; bulaan; qablan; yeer. ld yulqan¹, yulul.
yoonge
Dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
yoos
Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
yoose
Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
yooyootamid
ld yooyootan¹ (2).
yooyootan
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.
yoxoob
1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iwm kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. ld yoxoobid.
yoxoobid
ld yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.
yu'ad
'asho.
yu'asho
'o. ld yu'ad.
yu'o
1. Wax cawryid. 2. Wax habaarid.
yucub
Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
yuf
Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.
yulkhad
Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
yumbasho
ld dhumbad, dhumbasho, yumbad.
yumbi
Wax biyo ku dhex mukhuurin. ld dhumbi, kumbi (2).
yumbin
ld dhumbin, kumbin.
yumbo
Biyo dhex mukhuurasho. ld dhumbo.
yur
Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
yurasil
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.
yuree
Dugaag wax ka celin.
yurqudle
Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
yuruuruc
Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
yusur
1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
yutucso
Wax ama arrin qabsasho.
yuub
1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc².
yuuban
1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho.
yuubid
yuuc². ld yuucid.
yuubnaan
ld yuubnaan-sho, yuucnaan, yuucnaansho.
yuubnaansho
/dh ld yuubnaan.
yuucnaansho
/dh ld yuubnaan.
yuuq
Cid wax ku taagid.
yuuqan
Wax la yuuqay ahaansho.
yuuqnaan
ld yuuqnaansho.
yuuqnaansho
/dh ld yuuqnaan.

