0

yamaan

m l

Qamaan.

0

yamaarug

m l (bot.)

Geed yar oo gaxandhada u eg.

0

yamays

m l (bot.)

Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.

0

yamxeeri

f mg2 (-iyay, -isay)

Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.

0

yamxeerin

m f dh

ld yamxeero.

0

yamxeero

m dh

Eeg: yamxeerin

0

yamyam

m l kh

1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.

0

yaqfo

m l (-ooyin, m.l)

Ilko.

0

yaqiin

m dh

War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.

0

yaqiinsasho

m f dh

ld yaqiinsi.

0

yaqiinsi

m l

Eeg: yaqiinsasho

0

yaqiinso

f g3 (-saday, -satay)

War iwm dhabnimadiisa hubsasho.

0

yaqyaqsasho

m f dh

ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.

0

yaqyaqsi

m l

Eeg: yaqyaqsasho

0

yaqyaqsii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.

0

yaqyaqsiin

m f dh

Eeg: yaqyaqsii

0

yaqyaqso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.

0

yaqyaqsoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: yaqyaqso

0

yaqyaqsood

m l

Eeg: yaqyaqsasho

0

yar

m l (-ryar, m.l)

Wiil da' yar.

0

yaraan

m l (-nno, m.dh)

Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys.

0

yaraansho

m l

/dh eeg yarow. ld yaraan².

0

yarad

m l

Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.

0

yarayn

m f dh

ld yarays, yaraysiin.

0

yarays

m l

Eeg: yarayn¹

0

yaraysad

m l

Eeg: yaraysasho

0

yaraysasho

m f dh

ld yaraysad, yaraysi.

0

yaraysi

m l

Eeg: yaraysasho

0

yaraysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: yaree

0

yaraysiin

m dh

Eeg: yarayn¹

0

yarayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Qof fal sa- mayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.

0

yare

fk. Xoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.

0

yaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.

0

yarehe

fk. ld yare.

0

yariis

m dh kh

Y. ah: haweeney bar yar.

0

yaris

m dh

1. Ugaarta qaybteeda yaryar sida calakudda, sagaarada iwm. 2. Cawska jaad ka mid ah.

0

yarow

f mg3 (-raaday, -raatay)

Wax yaraaday noqosho.

0

yaryarayn

m f dh

Eeg: yaryaree

0

yaryaraysasho

m f dh

Eeg: yaryarayso

0

yaryaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.

0

yaryareyso

f g3 (-stay, -satay)

Wax isticmaal-kooda dhaqaalaysasho.

0

yaryaro

m dh

Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.

0

yas

f g1 (-say, -stay)

Cid wax liita ka dhigid.

0

yasid

m f dh

Eeg: yas

0

yasir

f g1 (-ray, -rtay)

U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.

0

yasirid

m f dh

Eeg: yasir

0

yatiin

m l

/dh.u Carruur yaryar oo aabahood dhintay; agoon.

0

yaw

m l kh

Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

0

yawyab

f mg1 (-bay, -btay)

1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn.

0

yawyabid

m f dh

Eeg: yawyab²

0

yaxaas

m l (c.nafl.)

Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.

0

yaxdho

m l (-ooyin, m.l)

Hilib.

0

yaxoob

f mg1 (-bay, -btay)

Eeg: yoxoob²

0

yaxoobid

m dh

Eeg: yoxoobid

0

yaxuus

m l

Nin aad u gaboobay.

0

yaxuusoobid

m f dh

Eeg: yaxuusow

0

yaxuusow

f mg1 (-soobay, -sowday)

Yaxuus noqosho (nin).

0

yaxyax

m l

1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.

0

yaxyaxi

f mg2 (-iyay, -isay)

Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.

0

yaxyaxid

m f dh

ld yaxyax¹ (2).

0

yaxyaxin

m f dh

Eeg: yaxyaxi

0

yeber

m l kh

Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.

0

yed

m dh

Eeg: yad¹

0

yedid

m f dh

Eeg: yed²

0

yeeg

m l (-gag, m.l)

Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.

0

yeeg-bibanji

m l (-iyo, m.l)

Eeg: yeeg-bibiish

0

yeeg-bibiish

m l (-iyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale- na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish- biyeeg, yeeg-bibanji.

0

yeeg-bicaddaan

m l (-nno, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.

0

yeeg-bidooh

m l (-hyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.

0

yeeg-bijoohaar

m l (-rro, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag- galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.

0

yeeg-bisaliim

m l (-mo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.

0

yeeg-bishiish

m l (-shyo, m.dh)

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg

0

yeegtiis

m l (-syo, m.dh)

Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.

0

yeeke

m l (-kayaal, m.l/dh)

Eeg: yeeg

0

yeel

m l (-lal, m.l)

Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.

0

yeel4

xi. (nax.) Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.

0

yeel5

f g1 (-eelay, -eeshay)

1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.

0

yeelaal

m l

1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.

0

yeelaali

f g2 (-iyay, -isay)

Wax samayn ama hindisid.

0

yeelaalin

m f dh

Eeg: yeelaali

0

yeelan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Kab, wadaan iwm wax la sameeyey ahaansho.

0

yeelasho

m f dh

Eeg: yeelo

0

yeele

m l (-layaal, m.l/dh)

(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.

0

yeelid

m f dh

Eeg: yeel5

0

yeelin

m f dh

Eeg: yeeli

0

yeelnaan

m f dh

ld yeelnaansho.

0

yeelnaansho

m l

/dh ld yeelnaan.

0

yeelo

f g3 (-eeshay, -eelatay)

1. Hanti ama wax kale lahaan. 2. Ku y.: dayn cid ku lahaan. 3. U y.: wax aad u danayn. 4. Kab iwm suun u samaysasho.

0

yeelsii

f g

/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin.

0

yeelsiin

m f dh

Eeg: yeelsii

0

yeelyeel

f g1 (-eelay, -eehsay)

Is y.: qof wax uusan ahayn iska dhigid.

0

yeelyeelad

m l

Eeg: yeelyeelasho

0

yeelyeelasho

m f dh

ld yeel-yeelad.

0

yeelyeelid

m f dh

Eeg: yeelyeel

0

yeelyeelo

f mg3 (-eeshay, -eelatay)

Cir in uu da'o u diyaar garoobid.

0

yeer

f mg1 (-ray, -rtay)

1. U y.: cid u dhawaaqid si ay u timaaddo. 2. Nafley dha-waaqid.

0

yeerasho

m f dh

Eeg: yeero

0

yeeri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qalab muusiko ka dhawaajin. 2. U y.: cid wax ay qorto u akhri-yid.

0

yeerid

m f dh

yeer². ld yeeris².

0

yeerin

m f dh

ld yeeris¹.