khatalnaan
ld khatalnaansho.
khatalnaansho
/dh ld khatalnaan.
khatar
1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
khatif
Habaabidda laga habaabo meel la mari lahaa. ld khaddif¹.
khatifid
ld khaddifid.
khatifsan
Wax habaabay ahaansho. ld khaddifsan.
khatifsanaan
ld khad-difsanaan, khaddifsanaansho, khatifsa-naansho.
khatifsanaansho
/dh ld khatifsanaan.
khatimid
ld khatin¹.
khatin
1. Gabagabeynta iyo gunaanadka Quraan iyo duco la soo akhriyay. 2. ld khatimid.
khawaaf
Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.
khawaafad
Naag magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo waxay doon-taba sameysa.
khawaafso
Hanti la'aan awgeed dhibaato la kulmid.
khawaaji
K. ah: qof maalqabeen ah.
khawaysii
Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.
khawaysiin
ld kha-waysiis.
khayaan
Cid khayaano ku samayn.
khayaanalow
Qof dhagar badan.
khayaanayn
ld khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
khayaanee
Cid khayaano ku samayn. ld khayaamee, khiyaamee, khiyaanee.
khayaanid
ld kha-yaamid.
khayaano
Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. ld khiyaamo, khiyaano.
khayli
Guntiino daliig madow darfaha ku leh oo waagii hore dumarku qaadan jireen.
khaymad
1. Aqal fudud oo kolna la dhiso, kolna la furfuro oo lala guuro. 2. Teendho; taanbuug.
khayr
Wax wanaag ku jira oo dhan.
khayraad
1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
khaysaraan
Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.
khibrad
Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. ld khibro.
khiddad
Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iwm.
khidmee
Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.
khidmo
1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.
khidmo-shuruud
Quraanka oo dhan ama qaarkiis oo qof jirran lagu dul akhriyo.
khilaaf
Heshiis la'aan; is-afgaranwaa.
khilaafo
Nidaam muslimiinta oo dhan ku dooran jireen khaliifkooda.
khilaafsan
1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iwm waxaan raacsaneyn ahaansho.
khilaafsanaan
ld khilaafsanaansho.
khilaafsanaansho
/dh ld khilaafsanaan.
khilaawayn
ld qalwayn.
khilaawee
Kelinnimo meel gaar ah Ilaah ku baryid. ld qalwee.
khilaawo
Kelinnimo, meel gaar ah, muddo go'an arrin gaar ah oo Ilaah looga baryo. ld khalaawo, khalwo, qalwo.
khoobar
1. Libaax badeedka waaweyn mid ka mid ah. 2. Hombaro.
khoof
Ka kh.: wax ka cabsasho.
khoori
Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
khudbad
Hadal dad badan hortii laga jeediyo. ld khudbo.
khudbasireed
Meher qarsoodi ah.
khudbasireysasho
ld khudbasireysad, khudbasireysi.
khudbasireyso
Si qarsoodi ah haweenay u mehersasho.
khudbee
Khudbad jeedin.
khudrad
Dhir yaryar oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cuno, cuntadana ku darsado. ld khudaar.
khuluc
Shuruudda lagu xidho haweenay haddii ay rabto in la furo.
khumkhum
Walax udgoon oo haweenku shitaan.
khuraafaad
Waxyaabo aan jirin oo la rumaysto; sanan.
khurraad
Hadal aan macno lahayn.
khusee
Arrin iwm ku lug lahaan.
khushi
Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
khushiye
Kh. ah: qof qalaase ama fawdo abuure ah.
khushuucsanaansho
/dh ld khashuuc-sanaan.
khusuusi
1. Lataliyeyaashii Sayidka mid ka mid ah. 2. Wax gaar ama khaas ah. ld qusuusi.
khuuri
Khuuro sameyn.
khuurin
ld khuuris.
khuuro
Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.

