khamiiri
Khamiir ka dhigid.
khamiirid
Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iwm). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
khamiis
Dhar tolan oo ilaa canqowyada jooga, gacmo dheerna leh oo raggu gashadaan. ld qamiis.
khamraawi
/dh (-iyaal, m.l/dh) Xargaha shiraaca haya midkood.
khamraysan
Ahaansho qof khamri cabsan.
khamraysnaan
ld khamraysnaansho.
khamraysnaansho
/dh ld khamrays-naan.
khamriyacab
Qofka khamriga cabba.
khamro
Wax kasta oo la cabbo oo aalkol ku jirto oo lagu sakhraamo. ld khamri.
khamsiin
(Carabi) Dabayl koonfurlayda kulul oo qallalan oo ka dhacda masar, waxay la xiriirta sirookada woqooyiga Afrika.
khaniis
Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
khanni
Qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro (markab, dooni iwm).
khansiir
Naasley jaadad badan leh oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale hilibkiisa cunaan.
kharaab
K. ah: qalab gabay hawshuu qabanayey. ld kharraab¹.
kharaabi
Kharaab ka dhigid (wax). ld kharraabi.
kharaabid
ld khar-raabid.
kharaabin
ld khar-raabin.
kharaabsan
Ahaansho wax kharaabay. ld kharraabsan.
kharaabsanaan
ld kharaabsanaansho, kharraabsanaan, kharraabsanaansho.
kharaabsanaansho
/dh ld kharaab-sanaan.
kharaar
ąar¹.
kharaaraansho
/dh eeg kharaarow. ld xaraaraansho.
kharaari
Wax kharaar ka dhigid. ld xaraari.
kharaarin
ld xaraarin.
kharaarow
1. Wax kharaar noqosho. 2. Wax adkaaday noqosho (arrin). ld xaraarow.
kharaf
Qof fudud oo iska hadla oo warkiisa aan waxba laga soo qaadin.
kharaj
Wax allaale wixii lacag ah oo jeebka ka baxa. ld kharash.
kharajgarayn
ld kharashgarayn.
kharajgaree
Lacag iwm kharaj ahaan u bixin. ld kharashgaree.
kharfo
Dhul aan la degganeyn oo oommane ah.
khariidad-borojakhsaneyd
Muujisanaanta ay ku muujisantahay dhulka dushiisa oo dhan ama qayb ka mid ah dul fidsan korkeed, si loogu muujiyo muuqaallada dabeecadda, siyaasadeed, ama muuqaallo kale; bar kasta oo ku taal khariidadda dusheeda waxay u taagantahay ama xiriir la leedahay meel juqraafiyeed oo ka mid ah dhulka runta ah iyadoo la adeegsanayo qiyaas go'an ama borojek-shan.
khariidad-kala-sarreynta
(juqr.) Khariidad muujinaysa kala sarraynta meel.
khariiddo
Naqshad warqad iwm lagu sameeyo oo muujineysa dhulka oo dhan ama qeyb ka mid ah. ld khariidad.
khariif
1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh.
kharqad
1. Cad ama jeex yar oo maro ah. 2. Hal maro ah oo la geliyo barkimaha. ld harqad.
kharrib
Wax wanaag-sanaa xumeyn.
kharribaad
Halleynta wax wanaagsanaa la halleeyo. ld kharrib¹.
kharriban
Wax la kharribay ahaansho.
kharribnaan
ld kharribnaansho.
kharribnaansho
/dh ld kharribnaan.
khasaanad
1. Bir aad u adag oo sida sanduuqa u sameysan oo lacagta, dahabka iwm lagu keydiyo. 2. Quful si adag u xirma oo dhawr wareeg leh.
khasaar
o la kulmid.
khasaari
Cid khasaaro gelin.
khasaarid.
2. Maalbeelid, 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.
khasaaro
Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
khasab
1. Dirqinta cid lagu dirqiyo wax aysan raali ka ahayn. 2. Geed bal iyo alammo leh oo toos u baxa oo dheecaankisa sonkorta laga sameeyo.
khashabad
Doon.
khashiin
Qof degaanka uu joogo dhaqankiisa aan aqoon u lahayn.
khashiinnimo
Khashiin ahaansho.
khashin
Wax walba oo wasakh, haraa cunto, iwm ah ee la iska xaaqo lagana fogeeyo degaan lagu nool yahay. ld qashin.
khashinsaar
Saaridda wasakhda jirka sameeyey sida badan ay kelyaha laga soo saaro.
khashkhash
1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. ld qashqash².
khashkhashaad
1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax looga qaado. 2. Cid la dhibo ama lagu dheelo. ld qashqashaad.
khashkhashid
ld khashkhashaad, qashqashaad, qash-qashid.
khashuuc
1. Dareen beernugeyl diimeed leh muujin. 2. U k.: wax ka raalli noqosho ama la dhicid. ld khushuuc².
khashuucid
ld khushuucid.
khashuucsan
Wax khashuuc hayo ahaansho. ld khushuucsan.
khashuucsanaan
ld khashuucsanaansho, khushuucsanaan, khushuucsanaanso.
khashuucsanaansho
/dh ld khashuuc-sanaan.
khasif
Waxyeelo xag Ilaah ka timaadda oo dad iyo dal ku dhicid, burbur iyo halaagna gaarsiin.
khasiis
Qof aan ka xishoon falalka xunxun oo dhan.
khasir
1. Maal lacag ah oo si aan habboonayn lagu bixiyo ama lagu lumiyo. 2. Ganaax; xaal; yake. ld khasiraad.
khasiraad
Ganaax cid la saaro. ld khasir¹.
khasiyad
Wax la qoonsado oo gardarro ah oo cid lagula kaco.
khasiyadee
Cid khasiyad ku sameyn.
khasnad
Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iwm lagu kaydiyo. ld qasnad.
khasnaji
Qofka lacagta bixiya, khasnaddana furaheeda haya.
khasow
Fal xun oo aad sameysay dhibaatada ka timaadda dareemid.
khatal
Been cid lagu khayaamayo. ld khataalad.
khatalan
Wax la khatalay ahaansho.

