← Back to Alphabet Grid
Words starting with 'X'
0
x
arafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
0
xaab
1. Caleemaha dhirta oo inta enge- ga geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
0
xaabee
Qoryo la shito ururin.
0
xaabi
1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.
0
xaabin
ld xaabis.
0
xaabo
1. Qoryo qallalan oo shidaal gala. 2. Qoryo qallalan, jilicsan oo xorshosh ah.
0
xaabsasho
ld xaabsad, xaabsi.
0
xaabso
Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.
0
xaad
Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
0
xaadi
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
0
xaadir
1. Meel joogid (qof); jooge. 2. Haatan.
0
xaadiri
Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magac- yadooda yeerin.
0
xaadirin
ld xaadiiris.
Page 1 of 81 (Total: 1607)

