Words starting with 'M'
m
Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
ma
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.
ma-milme
(kiim.)Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).
ma'wi
Ceel biyo badan.
ma4
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.
maab
Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada.
maaci
1. Geedaha intooda dhuuxa adag. 2. Waxkastoo adag.
maacuun
/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm.
maad
1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.
mąad
(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo.
maadaama
xi. Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama.
maadasho
ld maadad, maarad, maarasho.
maaddaama
xi. ld maadaama.
maaddi
M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.
maaddiyad
Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
maaddo
1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad.
maadee
(riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
maadeyn
ld maadeys.

