Words starting with 'W'
w
Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
waa
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
wąa
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.
wąa4
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo - soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
waab
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
waabaayaysan
Wax la waabaayeeyey ahaansho.
waabaayaysnaan
ld waabaayaysnaansho.
waabaayaysnaansho
/dh ld waabaayaysnaan.
waabaayee
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo marin.
waabaayo
Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay².
waabaayow
Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.
waaban
Wax la waabay ahaansho.
waabari
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. ld waabberi.
waabariisasho
ld waabberiiso.
waabariisii
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii.
waabariisiin
ld waabberiisiin.
waabariiso
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso.

