Words starting with 'Q'
q
Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.
qaa'id
Qof ciidan hoggaamiya.
qaab
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir.
qaab-dhuleed
(jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
qaaban
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1).
qaabbil
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Q.kayga: hortayda, tooskayga.
qaabbilaad
Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.
qaabbilo
Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
qaabbilsan
1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.
qaabbilsanaan
ld qaabbilsanaansho.
qaabbilsanaansho
/dh ld qaabbilsanaan.
qaabbilsii
Wax, wax kale ka horgeyn.
qaabdaran
Wax qaab xun ahaansho.
qaabdarnaan
ld qaabdarnaansho.
qaabdarnaansho
/dh ld qaabdarnaan.
qaabdarro
Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri.
qaabi
1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1).

