0

n

m dh

Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

0

na

mu dhm ly

Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

0

naa

u j

Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.

0

naa'ib

m l (-byo, m.dh)

1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.

0

naab

m dh (daaw.)

Qolof qallalan oo fuusha bishimaha qofka marka uu harraado ama uu bukoodo; jiil.

0

naaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.

0

naabid

m f dh

ld naab¹, nabid.

0

naabnaab

m l

1. ld naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. ld naabnaabid.

0

naabnaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Naabnaab ka dhigid (qof). ld naannaabi.

0

naabnaabid

m f dh

ld naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.

0

naabnaabin

m f dh

ld naannaabin.

0

naabnaan

m f dh

ld naabnaansho.

0

naabnaansho

m l

/dh ld naabnaan.

0

naacaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: neecaabi

0

naacaabin

m dh

Eeg: neecaabin

0

naacaw

m dh

Eeg: neecaw

0

naacawsasho

m dh

Eeg: neecawsasho

0

naacawso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: neecawso

0

nąadh

m l (-dhadh, m.l)

ąar.

0

naadi

m l (-iyo/-iyaal, m.l/dh)

1. Rug dad isku dan ahi ku kulmaan. 2. Dad isugu tegay arrimo siyaaso, jinsiyad, ama bulsho.

Page 1 of 47 (Total: 927)