Qaamuuska Asalka
ceel
(-lal, m.l)MagacLafdheeri
Macnaha
(jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.
Erayo la-mid ah
ceelaljoog1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbira…ceelalyoQofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si…ceelgeeXoolo aroorin.ceelgeeyeMuruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.ceelka-aartiis(jool.) Nooc ceelasha ka mid ah oo si joogta ah biyo soo saa…ceelkaggeeye1. Xilli gu' ah oo roob xoog badan leh da'a. 2. Roob xoog ba…ceelyeelad1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. ld ceelyeel…ceelyeelashold ceelyeelad (2).
Erayga Manta
mudnaanld mudnaansho.
