← Back to Alphabet Grid
Words starting with 'Y'
0
y
Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.
0
yaa
Kuma ayaa?, tuma ayaa?
0
yaa4
qr. Yaan: markii qurubka diidmada 'aan 2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
0
yaab
Amakaag; irkig; abyan; fajac.
0
0
yaabbanaansho
/dh ld yaabsanaan.
0
yaabi
Ka y.: cid yaab ku abuurid.
0
yaabid
ld yaabis².
0
yaabin
ld yaabis¹.
0
yaabsan
Wax yaab hayo ahaansho (qof). ld yaabban.
0
yaabsanaan
ld yaab-banaan, yaabbanaansho, yaabsanaansho.
0
yaabsanaansho
/dh ld yaabsanaan.
0
yaac
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
0
yaaci
Dad, duunyo ama qalab kala firdhin.
0
yaacin
ld yaacis.
0
yaacsan
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.
Page 1 of 16 (Total: 305)

