← Back to Alphabet Grid
Words starting with 'J'
0
j
Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
0
jaa'ifee
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.
0
jaa'ifeyn
'ifee.
0
jaa'ifo
1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
0
jaa'ir
Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
0
0
jaabajaabeyn
1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. ld jaabeyn.
0
0
0
0
0
0
jaabajaabo
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
0
jaabbiyad
Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
0
jaabee
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee.
0
jaabeyn
ld jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
0
0
jaabeysasho
jaabajaabeysasho, jaabajaabeysi.
0
Page 1 of 71 (Total: 1409)

