0

b

m dh

Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

0

ba

(-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.)Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

0

ba'

m l

1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.

0

ba'an

f mg4 (-'naa, -'nayd)

1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.

0

ba'id

m dh

'id

0

ba'naan

m f dh

'an. ld ba'naansho.

0

ba'naansho

m l

/dh ld ba'naan.

0

ba'san

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.

0

ba'sanaan

m f dh

'san. ld ba'sanaansho.

0

ba'sanaansho

m l

/dh ld ba'sanaan.

0

baa

qr dd (nax.)

Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

0

baab

m l (-bab, m.l)

1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.

0

baabaha-masiixiga

m l (dii.)

Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.

0

baabasiir

m l (daaw.)

Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.

0

baabba'

m l

1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id.

0

baabba'san

f mg4 (-naa, -nayd)

Baabba' ku dhacay ahaansho.

0

baabba'sanaan

m f dh

'san. ld baabba'sanaansho.

0

baabba'sanaansho

m l

/dh ld baabba'sanaan.

0

baabbaca-caleen

m dh (-eemo, m.l)

(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c. yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

0

baabbacayn

m f dh

ld baabbacays, baabbaco (2).

Page 1 of 145 (Total: 2881)