"
Safar waa si wada yeel.
"SSoomaalida
Maahmaahyo kale (S)
"
Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
"Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
"Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
"Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar.
"Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
"Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, cudur geeri oh.

