Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar.
Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, cudur geeri oh.
Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.