"

Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.

A
"

Aan wada hadalno waa aan heshiino.

A
"

Aar qoyey dacawo la mood.

A
"

Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.

A
"

Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.

A
"

Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.

A
"

Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.

A
"

Abkeey dooli diloow, dad nool maas u daahaa.

A
"

Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa.

A
"

Abuur iyo waano, abuur baa horreysey.

A
"

Adduun i khatal.

A
"

Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.

A
"

Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.

A
"

Adhi jiri ma kala abaal waydo.

A
"

Adhi jiri xil bay wadaagtaa.

A
"

Adhi magantii ma barriiyo.

A
"

Adhi shidho laga daayo.

A
"

Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.

A
"

Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.

A
"

Aduun wey kii amoodeey ogaaw.

A
"

Af aamusani marti ma sedo.

A
"

Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.

A
"

Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.

A
"

Af aanad lahayn lama qabto.

A
"

Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha kuu daaqdo.

A
"

Af Daboolan, Dahab waaye.

A
"

Af hadlaaba aamus.

A
"

Af jabtay sideedii ma noqoto.

A
"

Af jooga looma adeego.

A
"

Af macaan gacan macaan baa dhaanta.

A
"

Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.

A
"

Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.

A
"

Af waa kane, maxaa lagu aamaa.

A
"

Af wax cunay xishoo.

A
"

Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).

A
"

Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.

A
"

Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.

A
"

Af-ka nool abooto mudac.

A
"

Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.

A
"

Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.

A
"

Afkii dab yiri ma guban.

A
"

Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.

A
"

Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.

A
"

Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.

A
"

Alla aamin ma iisho.

A
"

Alle watow wehel uma baahna.

A
"

Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin.

A
"

Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.

A
1 / 20