Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
Raad arrooryo dib looma raaco.
Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
Rag gar baa kala saarta dumarna jaan.
Rag hunguri buu isku raacaa.
Rag jidiin baa walaaleeya.
Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.