Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
Raad arrooryo dib looma raaco.
Rag gar baa kala saarta dumarna jaan.
Rag hunguri buu isku raacaa.
Rag jidiin baa walaaleeya.
Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
Rag qawl baa xidha dumarna meher.