Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Meeshay caruurtiyo dumarku kugu bartaan waa laga guuraa.
Musqul nin galay muraad buu leeyahay.
Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta.
Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
Mugdi, arlaada geed ii goduh.
Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey.