Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, dibno iyo naaso midna maleh.
Musqul nin galay muraad buu leeyahay.
Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta.
Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
Mugdi, arlaada geed ii goduh.
Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey.