Qaamuuska Asalka
istaarj
(-jyo, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuubka s.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.
Erayo la-mid ah
istaadiyoFagaaro loo habeeyey in lagu qabto tartamada ciyaaraha.istaafilokookaas(baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifk…istaagTaagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid.istaag1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ah…istaaganWax ligan ahaansho.istaagidld istaag¹.istaagnaanld istaag- naansho.istaahil1. Fal u dhigma xumaan ama wanaag la gaystey. 2. ld istaahil…

