Qaamuuska Asalka
istaafilokookaas
(-syo, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiriyada ee garaambositiifka ah. Wuxu leeyahay qaab wareeg oo isugu urura xirmooyin laamaha canabka u eg. Noocyo ka mid ah cudur ma keenaan qaarna waa deris ku nool. Noocyo badanna waxay soo daayaan sun.
Erayo la-mid ah
istaadiyoFagaaro loo habeeyey in lagu qabto tartamada ciyaaraha.istaagTaagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. ld istaagid.istaag1. Jirka oo ligan lugaha meel ku hayn. 2. Socod ka joojin ah…istaaganWax ligan ahaansho.istaagidld istaag¹.istaagnaanld istaag- naansho.istaahil1. Fal u dhigma xumaan ama wanaag la gaystey. 2. ld istaahil…istaahilQof wanaag ama xumaan geystey fal u qalma ku abaal marin.

