Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Tol la’aani waa tows.
Tabcadaa ma tuugoobo.
Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola.
Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa.
Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo.
Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.