Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday.
Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn.
Qalbigu laba ruux ma wada qaado.
Qaybshe qad ama qaaday.
Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto.
Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan.
Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto.