Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Habaar waalid ma hadho.
Hurdo habar ma koriso.
Haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
Haani guntay ka tolantaa.
Habar baas inan baas bay ahayd.
Habar caal weydey durey bay hafartaa.
Habar dhali wayday aleelo ku waalatay.