Anonymous Observer
View-Only / Submission Mode
Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
Caana daatay dabadood la qabay.
Caano baqay haddaad aragto, waa bi’iso naagood.
Caano Jiilaal canba canbid.
Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.