Qaamuuska Asalka
ee
Macnaha
¹ xi. 1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e.
Erayo la-mid ah
eebbeSarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey…eebo1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.eeboMagangelid (qof).eed1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.eedFal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.eedaad1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.eedaad1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran.eedaqCaano garoor ah.

