Words starting with 'S'
s
Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
saa
ยน fk. 1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.
saab
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye.
saabaan
Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan.
saaban
Wax saab leh ahaansho. ld saabsan.
saabasho
ld saabsasho.
saabbilaash
Saab weyn oo alaabta lagu rito.
saabbir
S. ah: cayr fara maran.
saabbuun
Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun.
saabbuuncadar
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
saabbuunee
Dhar saabbun ku dhaqid.
saabbuunmadow
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
saabbuunmaris
Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
saabcaaree
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
saabcaaro
/dh (-ooyin, m.l) 1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.

