0

khaa'in

m l (-niin/-nno, m.dh)

Qof dhagar badan. ld khaayin.

0

khaa'iniin

m dh w

'in.

0

khaa'innimo

m dh

Khaa'in ahaansho.

0

khaaddin

m l (-immo, m.dh)

1. Nin meel barakaysan sida masaajid iwm. ka adeega oo barako doon ah. 2. Nin wadaad u adeega oo barako doon ah. ld khaaddun.

0

khaaddun

m l

Eeg: khaaddin

0

khaafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dareenkiisa garasho feker awgiis la maqan yahay ahaansho.

0

khaafsanaan

m f dh

ld khaaf-sanaansho.

0

khaafsanaansho

m l

/dh ld khaafsanaan.

0

khaakhuul

m l (-llo, m.dh)

Rabsho xa-silloonida lagu waxyeeleeyo.

0

khaalis

m l kh

Wax saafi ah oo aan wax kale ku jirin.

0

khaanad

m dh (-do, m.l)

Meel yar oo wax lagu rito oo lagu sameeyo armaajada, miiska iwm.

0

khaarij

m l

Dal, dalalka kale ee xuduuddiisa dibadda ka ah.

0

khaariji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof dilid. 2. Qof, qof kale wax ka raba ka reebid.

0

khaarijin

m f dh

ld khaarijis.

0

khaarijis

m l

Eeg: khaarijin

0

khaas

m l

1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.

0

khaash

m l

Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash.

0

khaashid

m f dh

Eeg: khaash²

0

khaati

m l

Eeg: khaatir

0

khaatimo

m dh

Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. ld khaatumo.

Page 1 of 15 (Total: 294)