Words starting with 'H'
h
Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.
ha
qr. 1. (nax.) Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus. “Ha keenin!”.
ha'ahaatee
xi. ld hayeeshee.
haa
qr. ld haah.
haabasho
ld haabad.
haabo
Wax in yar durugsan gacan ku laacid.
haaco
Qof aad u garaad yar; qof macangag ah.
haacoonimo
Haaco ahaansho (qof).
haad
Baylah, goldaloolo.
hąad
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
hąad-hąad
Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
hąad-hąadid
ąad-hąad².
haad-ka-adag
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
haad-kacarar
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor.
haadaan
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
haadahaade
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
haadey
Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey.
haadi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati.

