Qaamuuska Asalka

in-gudbiye

(-yayaal, m.l/dh)
MagacLafdheeri

(kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in-gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.